Home Wararka Somaliya Ex Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka digay muddo kororsi kana hadlay shirka...

Ex Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka digay muddo kororsi kana hadlay shirka Dhuusamareeb

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo xilliga kala-guurka ee aan weli heshiis laga gaarin Arrimaha doorashooyinka.

Sheekh Shariif oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in Midowga Musharixiinta ay aad uga xun yihiin in, iyada oo aan heshiis laga gaarin arrimaha doorashooyinka uu dhamaaday waqtiga dowladda loo asteeyay.

Waxaa uu sheegay in xilligaan ay aheyd in doorashada madaxweynaha kaliya ay harsan tahay ama uu jiro in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka, hayeeshee taasi aysan dhicin.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka sare & Ururada Bulshada rayidka ay muhiim aheyd inay ka qeyb-galaan shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka dalka ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif waxaa uu ka hadlay mudada xilheynta Madaxda dowladda Somaaliya oo geba-gabo maraya, waxaana uu sheegay in hadii uu dhamaado wax walba oo la gaarayo ay noqdaan heshiis siyaasadeed, isla markaana aysan aqbaleyn muddo kororsi.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaalada Dhuusamareeb uu ka socdo dhirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad goboleedyada, kaas oo la filay in go’aan looga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka.

Ad
Previous articleBeesha Caalamka Oo Farriin U Dirtay Madaxda ee Ku Shiraya Magaalada Dhuusamareeb
Next articleMidowga Musharixiinta Oo Baaq U Diray Madaxda Ku Shiraya Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here