Home Wararka Maanta Qaramada Midoobey oo ku baaqday in si Deg Deg ah loo dhameeyo...

Qaramada Midoobey oo ku baaqday in si Deg Deg ah loo dhameeyo Doorashada Golaha shacabka

0

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku booriyay madaxda siyaasadda dalka in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo in baarlamaanka federaalka la soo doorto ka hor dhamaadka sanadkan si doorashada madaxweynaha ay ugu dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan.

James Swan ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Arbacadii in horumarka laga gaaray geeddi-socodka doorashada uu ahaa “mid gaabis ah. Sidoo kale, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la dardargeliyo diyaar garowga amniga doorashada, loona baahan yahay in la xaqiijiyo qoondada 30% ee kuraasta haweenka ee Aqalka Hoose.

Wuxuu soo dhoweeyay dhameystirka doorashada 54-ka senator ee Aqalka Sare ee baarlamaanka, oo ay ku jiraan 14 haween ah oo u dhiganta 26% guud ahaan aqalka sare.

“In kasta oo horumar la samaynayo, haddana dadaallada hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Soomaaliya waxay u baahan yihiin in toddobaadyada soo socda la labanlaabo si doorashada Baarlamaanka Federaalka ay guul ugu soo dhammaato, si markaas kaddib ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha sida ugu dhakhsaha badan,” ayuu yiri James.

Swan wuxuu ka digay dib u dhacyada geeddi-socodka doorashada, isagoo sheegay inay hakinayaan horumarka laga gaarayo meelaha kale ee muhiimka ah iyo gaaritaanka mudnaanta qaranka.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo dhuusamareeb ku shir Gudoomiyaha Shirka Golaha Wasiirada Galmudug iyo Wasiirada DFS {Sawiro}
Next articleKenya ” Dad lagu Eedeeyay Argagixisanimo oo xabsi ka baxsaday ayaa gacanta lagu dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here