Home Wararka Maanta Somaliland ayaa mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska muranka dhaliyay ee...

Somaliland ayaa mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska muranka dhaliyay ee ay la gashay Itoobiya

0

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska muranka dhaliyay ee ay la gashay Itoobiya, kaas oo uu Muuse Biixi ugu saxiixay Abiy Axmed 20 kiilo mitir oo kamid ah badda Soomaaliya

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa ayaa waxaa digniin loogu diray waddamada kasoo horjeedo heshiiska.

Sidoo kale waxaa qoraalkan oo lagu baahiyay bogga wasaaradda arrimaha dibadda lagu sheegay in Somaliland aanay marnaba aqbali doonin waxkasta oo ka hor imaanaya danteeda iyo doonisteed madax bannaanida.

“Somaliland waxay si aan ka leex leexad lahayn u diidaysa muquuninta noockasta oo ay noqoto, gaar ahaan wixii kasoo horjeeda danteeda qaranka, ama doonisteeda madaxbannaanida” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Somaliland ayaa ku dooday in heshiiska ay la gashay dowladda Itoobiya uu yahay  mid keenaya iskaashi iyo ka wada faa’iidaysi laba geesood ah, oo dan u ah labada dhinac.

Dhanka kale Somaliland ayaa u digtay waddamo ay sheegtay inay doonayaan inay soo farogeliyaan heshiiskan iyo ururo waa weyn, balse aysan carab baabin magacyadooda.

“Somaliland si wayn ayay u fahansantahay waddankasta ama ururkasta oo doonaya in uu faraha lasoo galo hawshan, isaga oo ku dhexdhuumanaya arrinta beenta ah ee ah ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya, si ay u gaadhaan danaha qaramadooda” ayaa lasii raaiyay.

Waxaa kale oo uu qoraalka intaasi kusii darayaa in Somaliland ay ka go’antahay ilaalinta nabada guud ee gobolka iyo caalamka, ayna ku foogaantahay ilaalinta biyaha Badda Cas.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda badda, isla markaana si wayn looga dareemay gobolka, maadaama la’isla aaday fagaaraha caalamka.

Si kastaba, dhowaan dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda heshiis difaac la gashay Turkiga, kaas oo ciidamo iyo maraakiib dagaal geynayo xeebaha dalka, si ay u ilaaliyaan.

Ad
Previous articleMarwo Faadumo Cabdi Cali oo Dhawaan Xilka Laga Qaaday oo Qoraal soo saartay
Next articleDowlada Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Xasuuqa Wali ka Socda GAZZA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here