Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Xildhibaan Qaali Cali Shire iyo Fiqi oo Codsi Cajiib ah U Diray...

Xildhibaan Qaali Cali Shire iyo Fiqi oo Codsi Cajiib ah U Diray Cali Guudlaawe iyo Dabageed.

0

Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xubnaha sanadkaan ka haray tartanka doorashada kuraasta baarlamaanka 11-aad iyo Xildhibaan Qaali Cali Shire oo dhawaan lagu doortay Gaalkacyo ayaa hal cosdi u diray madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Fiqi iyo Qaali oo ka qeyb galay xaflad lagu maamuusay dib u soo doorashada Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene oo baarlamaanka ka soo galay HirShabeelle ayaa madaxda HirShabeelle si wadajir ah uga codsaday in Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ay kursigeeda soo siiyaan.

Ugu horeyn Fiqi ayaa Cali Guudlaawe ku amaanay in si gaar ah uu ugu hiiliyey xubnihii ugu muhiimsanaa baarlamaanka ayaa yiri, “Waxaan halkaan fariin uga direynaa Oday Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaan leenahay weli gabar mujaahid ah ayaa xagiina ku maqan.”

Isagoo sii hadlaayey ayuu Fiqi yiri, “Gabashaas Aamino ah Cali Guudlaawe iyo Dabageed faataxada halooga maro in ilaahey kasoo fududeeyo.”

Sidoo kale Qaali Cali Shire oo ku cusub baarlamaanka, kuna soo baxday tartan adag oo Ubax Tahliil iyo musharaxiin kale ay la gashay ayaa Cali Guudlaawe u dirtay codsi lamid ah kan Fiqi u diray ee ah in Xildhibaan Aamina Maxamed uusan ka reebin baarlamaankaan 11-aad.

“Hadaan nahay Soomaali oo dhan hal deyn ayaan ku leenahay madaxweynaha HirShabeelle, waxaan ka codsaneynaa, inuu noo soo daayo walaasheen Aamiina, si gaar ah ayaan ula hadlay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo aan ka codsaday inuu Beledweyne ku laabto oo kursiga Xildhibaan Aamina uu wax ka doono,” ayey tiri Xildhibaan Qaali.

Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ee aan weli dib loo soo dooran kuraastooda ayaa lagu xasuustaa halgankii adkaa oo ay u gashay sidii cadaalad ay u heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo lagu eedeeyey inuu khaarajiyey Taliska NISA

Ad
Previous articleXildhibaanad Si indhala’aan ah u taageersanayd Farmaajo oo loo Diiday inay airportka Muqdisho ka Duusho
Next articleOdaayasha Soo Xulaaya ergada Soo Dooranaysa Kursigii U ku Fadhiyay Cabdiraxmaan Dheere oo ahaa Gacan yaraha Fahada Yaasiin oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here