Home Wararka Somaliya Galmudug Beesha Reer Jalaf oo raaligelisay Beesha Mudullood

Beesha Reer Jalaf oo raaligelisay Beesha Mudullood

0

Odayaasha Jufada reer Jalaf ee Beesha Sacad – Habargidir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa raali-gelin ka bixiyay hadal dhowaan uu yiri mid ka mid ah odayaasha beeshaas.

Hadalkaas nabadoonka reer Jalaf ee maanta raali gelinta laga bixiyey waxaa dhibsaday beelaha Mudullood, waxaana maanta loo diray raali gelin rasmi ah, iyadoo ay mid-mid warbaahinta ula hadleen waxgaradka reer Jalaf.

Caaqil Cilmi Maxamed oo ah nabadoonka hadalkiisa la dhibsaday oo kulankaan ka hadlay ayaa sheegay in hadalka la dhibsaday uu ahaa “Hawiye qofkiisa waxgaradka ah ayagaa gacantooda ku dila.”

Caaqil Cilmi oo hadalkiisii hore qiil u raadinaya inta uusan raali gelin ka bixin ayaa tusaale u soo qaatay Jeneraaladii Hawiye ee horay loo dilay, sida Gabeyre iyo Ceydiid.

“Ujeedka hadalkeygu wuxuu ahaa Xasan Sheekh yaan la mucaaradin ee hala garab istaago, weliba Hawiye ninkii ka dhashay oo shaqeynaya uusan darfaha ku dhegin,” ayuu yiri”

Sidoo kale odayaashii kale ee kulanka ka soo qeyb galay ayaa raali gelin buuxda siiyey beelaha Mudullood, waxayna cadeeyeen in marnaba aysan aqbali doonin in curadkooda Mudullood loo gefo ama la yiraahdo hadal ay dhibsanayaan.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Soomaaliya oo Dalka Masar ka Soo laabtay
Next articleWasiir Cawad oo ka hadlay in Soomaaliya Masar ku Taageerto arrinta webiga Nile

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here