Home Wararka Maanta Somaliland oo bayaan yaab leh ka soo saartay ku biirista Soomaaliya ee...

Somaliland oo bayaan yaab leh ka soo saartay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC),

0

Somaliland ayaa bayaan yaab leh oo ay soo saartay walaac uga muujisay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo shalay si rasmi ah loo xaqiijiyey.

“Waxaanu si xooggan aaminsannahay in go’aankani yahay mid xad-gudub cad ku ah qaranimada, madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland

Somaliland ayaa sheegtay inay diidan tahay in Soomaaliya ay ururkaas ku metesho Somaliland, sida ay hadalka u dhigtay.

“Soomaaliya xaq uma laha inay Somaliland ku matasho madal caalami ah iyo mid goboleed toona. Waxaan ugu baaqeynaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo dalalka xubnaha ka ah EAC inay aqoonsadaan madax-bannaanida Somaliland,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

Waxay intaas ku dartay “Sheegashada Soomaaliya ee dhulka Somaliland waa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo ka hor imanaysa xaqiiqada jirta iyo tan sharciga ah. Somaliland waligeed kama ay mid noqon Soomaaliya ilaa 1991-kii.”

“Ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC iyada oo aan ogolaansho ka haysan Somaliland waa cadaalad darro aad u weyn oo wiiqaysa mabaadi’da shuruucda caalamiga ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay ku-biirista Soomaaliya ee ururka EAC, isaga oo xusay inuu dadaal ku bixinayey tan iyo mudo xilideedkii hore ee 2012- 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka,” ayuu yiri madaxweynaha.

Soomaaliya ayaa noqotay dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysaa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, aiyo Tanzania.
Ad
Previous articleGudoomiye aadan Madoobe oo shaaciyay tirada xildhibaanada uga dhaawacmay dagaalka Al-Shabaab
Next articleCali Jeyte oo shir jaraa’id qabtay oo digniin kama dambeys ah u diray dadka ku nool deegaanada ay joogto kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here