Home Wararka Caalamka Goob Jimicsi oo Toogasho Bareer ah laga geestay ” Maxkamada Götenborg oo...

Goob Jimicsi oo Toogasho Bareer ah laga geestay ” Maxkamada Götenborg oo Xukun ku riday Ninka Falkaasi ka danbeeyay

0

Maxkamada Magaalada Götenborg ayaa maanta xukun ku riday nin Da’diisa lagu sheegay 20 sano jir oo geestay Fal toogasho ah.

20 sano jirkan ayaa toogasho ka geestay Goob jimicsi oo ku taala Götenborg Xili ay goobta ka sugnaayeen dad badan oo jimicsi u yimid.

Bishii April ee sanadkan ayay aheyd markii uu falkan dhacay Waxana Maxkamada horteeda la keenay Cadeymo muujinaya in dambiilaha uu ka danbeeyay falkaasi.

Cadeymaha ay soo bandhigeen qeybta dambi baarista waxaa ku jira dharka ninka falka geestay oo laga helay guri uu ku sugnaa xiliga la qabanayay madama Camerada Jiimka markii hore laga helay.

Maxkamada ayaa ninkaasi ku xukuntay Xabsi daa’in iyo bixinta lacag gaareysa 150,000 kr oo la siinayo Ehelada marxuumka waxaa kaloo sanad lagu xukumay nin dhaliyaro ah oo lahaa guriga lagu qabtay ninkaasi.

Somaliska Götenborg

Ad
Previous articleSoomaaliya oo la wareegtay Shir Guddoonka Golaha Midowga Dhaqaalaha Dalalka Carabta.
Next articleDeganaanshaha Rasmiga iyo Ogolaanshaha Shaqada halaga Celiyo “Dowlada Sweden oo Laanta Socdaalka u bandhigtay Qorshe Cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here