Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala Saxiixday Heshiis Xasaasi ah

Wararkii Ugu Danbeeyey Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala Saxiixday Heshiis Xasaasi ah

0

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa maanta gaaray heshiis cusub oo dhowr qodob ka kooban, kaas oo quseeya dhinayada difaaca, gaar ahaan damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, iskaashiga ganacsi, maalgashiga tooska ah, la dagaalanka argagixisada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Ugu horeyn bayaanka laga soo saaray shirkii madaxda Sacuudiga uu la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu adkeeyey madax-banaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sacuudiga ayaa qiray inuu gef iyo dhibaatada uu xambaarsan yahay heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland.

Sacuudiga ayaa hoosta ka xariiqay in heshiis beenaadkaas uu caqabad ku yahay deris wanaagga iyo xasiloonida gobolka.

Arrimaha Difaaca iyo Amniga

Dowladda Sacuudiga waxay muujisay inay garab taagan tahay howlgallada dowladda Soomaaliya ay dalka kaga xoreyneyso argagixisada, waxayna beesha caalamka ugu baaqday in ciidamada xoogga Soomaaliya lagu garab istaago dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo laga gaaray guulo muuqda oo muhiim ah.

Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa soo dhaweysay qaraarkii cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya, kaas oo wax badan ka tari doona in dowladda Soomaaliya ay ka adkaato argagixisada.

Arrimaha Maalgashiga iyo Ganacsiga

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa adkeeyey kobcinta iskaashiga dhaqaalaha iyo maalgashiga, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha, qeyraadka badda, dekedaha iyo isku socodka bulshada. Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa hoosta ka xariiray in koror badan uu ku yimid is dhaafsiga ganacsiga.

Arrimaha Tamarta, Shidaalka iyo Is-bedelka Cimillada

Labada dowladood ayaa isku afgartay inay iskaashi dhow ka yeeshaan arrimahaas, waxayna dowladda Soomaaliya ku amaantay Sacuudiga doorka hoggaamineed oo ay ka qaadaneyso isku dheelitirka suuqa caalamiga ah ee shidaalka iyo hiigsiyada ku aadan Bariga Dhexe oo cagaar ah, si loo wajaho saameynta is bedelka cimillada.

Ugu dambeyntii Soomaaliya iyo Sacuudiga waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga ku aadan arrimaha tamarta, korontada, duulimaadyada tooska ah, isgaarsiinta, tiknoolajiyadda, waxbarashada, cayaaraha iyo guud ahaan arrimaha bulshada.

Ad
Previous articleDuqaymo Culus oo Caawa lagu Garaacay Alshabaab Isku aruuursanaayay Duleedka Xarardheere
Next articleFaahfaahin:Ciidanka Booliiska Somaliland oo Hrageysa ku qabtay Haween moobeelo soo dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here