Home Wararka Somaliya Puntland Madaxweyne Deni iyo Axmed Karaash oo ka Heshiiyay Khilaafka ka dhex jiray

Madaxweyne Deni iyo Axmed Karaash oo ka Heshiiyay Khilaafka ka dhex jiray

0

Waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay muddooyinkii la soo dhaafay, kaas oo la xiriiray awood dhinaca maamulka ah.

Siyaasiyiin iyo qaar kamid ah Isimada Puntland ayaa la sheegay inay doorweyn ka qaateen xalinta khilaafka Madaxda ugu sarreeysa Puntland, kuwaas oo ku dhameeyay wada-hadal dhinaca khadka taleefoonka ah, sida ay Risaala u sheegeen dad xog-ogaal ah oo ku sugan Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii uu Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay tartankii doorashada Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Maanta dib ugu soo laabto Magaalada Garoowe, waxaana soo dhaweyntiisa qeyb ka noqon doona Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo mas’uuliyiin kale.

Khilaafka u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa salka ku haayay dhanka awooda Maamulka kadib markii Madaxweyne Deni uu soo aaday Muqdisho iskuna sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Axmed Karaash uu ku dhawaaqay in uu yahay Madaxweynaha Puntland, isaga oo sameeyay xilka qaadis iyo Magacaabis.

Ad
Previous articleMagaalada Dhuusomareeb Xaafado ka tirsan oo Howlgalo laga Seemay
Next articleDowlada Soomaaliya oo Durbaba Wajahaysa Dhaqaalo Xumo Xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here