Home Wararka Maanta Rag Ka Tirsan Shabaab Oo Qaarna Ladilay Kuwa kalana nolosha Lagu Qabtay...

Rag Ka Tirsan Shabaab Oo Qaarna Ladilay Kuwa kalana nolosha Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

0

Ciidamadda amaanka oo kaashanaya shacabka ayaa gacanta kusoo dhigay laba dhalinyaro ah oo la sheegay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, waxaana laga kala qabtay howlgalo laga sameeyay degmooyinka Kaaraan iyo Deyniile.

Ninka lagu qabtay degmada Kaaraan ayaa waxaa lala soo qabtay mooto bajaaj uu doonayay inuu ku baxsado, waxaana howlgalka lagu qabanayay lagu dilay nin kale oo Shabaab ah oo ay wada socdeen.

Ninka labaad ee lagu qabtay degmada Deyniile ayaa isna la sheegay in gacanta lagu soo dhigay isagoo qorsheynayo weerar uu doonayay inuu ku dhibaateeyo shacabka reer Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa milkiileyaasha mooto bajaajta ugu baaqay inay sifo sharci ah ku wareejiyaan mootooyinkooda, marka ay shakhsiyaadka kale ka iibinayaan, bacdamaa bajaajtan ugu dambeysay ee lagu soo qabtay hawlgalkii Kaaraan uu weli ku diiwaangishan yahay milkiilihii hore.

“Bajaajtaas oo markii gacanta lagu soo dhigay baaris iyo dabagal dheer oo lagu sameeyay ka dib la ogaaday inaysan is lahayn milkiilaha markaa gacanta ku hayo oo isticmaalayay iyo milkiilaha ku diiwaangashan, sidaas daraadeed wargelintan ammaan ayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan milkiileyaasha mooto bajaajta ku ogeysiinaynaa inay si aad ah uga taxadaraan milkiileyaasha kala gata mooto bajaajta inay ku wareejiyaan nootaayo sifo sharci ah.” Ayuu yiri Doodisho

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada Federalka oo Duullaan ku ah labo deegaan iyo Shacabka oo loogu baaqay in ay ka baxaan
Next articleBurcad hubeesan oo dhac ka geesanayay xaafad katirsan Muqdisho oo la qabtay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here