Home Wararka Maanta Maamulka gobolka Banaadir oo markii u horeysay ka hadlay sababta dadka looga...

Maamulka gobolka Banaadir oo markii u horeysay ka hadlay sababta dadka looga saarayo dhul ku yaalla Muqdisho

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii u horeysay ka hadlay sababta dadka looga saarayo dhul ku yaalla Muqdisho, oo maalmihii dambe xiisad xooggan ka taagneyd.

Dhulkaan oo loo yaqaano Kaasa Italia ayaa ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga, sida uu sheegay maamulka gobolka Banaadir.

Bayaan kasoo baxay maamulka gobolka, gaar ahaan guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa waxaa lagu sheegay in burburinta iyo baneynta dhulkaasi ay ku timid codsi uga yimid safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, oo u baahan tahay dhulkeeda.

“Bur-burinta dhismaha xarunta Kaasa Italia waxay ku timid codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo baneeyo oo ay u baahan tahay,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaa bulshada Soomaaliyeed loo sheegayaa in aanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta”.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn u dhex wareegayay baraha bulshada muuqaalada qaar kamid ah dadkii deganaa dhulkaasi oo cabanaya, ayada oo qaarkoodna ay sheegeen in dano shaqai ah looga saaranayo dhulkaasi, taasi oo uu meesha ka saaray maamulka gobolka.

Si kastaba, dhulkaasi ayay dowladda kua billowday burburin, waxaana laga soo xiganaya maamulka gobolka in billo kahor lagu wargeliyay arrintaan dadkii deganaa dhulkaasi.
Ad
Previous articleDeni oo Soo Bandhigay Cududa Ciidan ee Puntland Xili Garowe Xiisad Ka Taagantahay(Sawiro)
Next articleAskarigii Dilay Marxuumadd Bilan Xaashi Gaab oo Galmudug Caan ka ahayd oo Dil Toogasha lagu Xukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here