Home Wararka Maanta Yaa ka Danbeeyey Dilka Yaasin Fareey Walaalkiis oo Muqdisho Xalay lagu dilay?

Yaa ka Danbeeyey Dilka Yaasin Fareey Walaalkiis oo Muqdisho Xalay lagu dilay?

0

Waxaa xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaqshiid lagu dilay nin dhallinyaro ah oo la dhashay taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugida Soomaaliya haddana ah xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Sida aan wararka ku helnay koox katirsan hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen dilka Cabdi Cabdullaahi Maxamuud oo isna katirsanaa ciidanka NISA, dilkan ayaana dhacay xalay saqdii dhaxe xilli dadka badi hurdayeen.

Ciidanka nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen baaritaanno ku aadan dilkan, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in la xiray askar katirsan nabad sugida oo lagu tuhmayo in dilkan ka dambeeyeen.

Qoyska wiilka la dilay ayaana ka codsaday taliska NISA in la cadeeyo cidda ka dambeysay dilka wiilkooda kahor inta aan la duugin, waxa ayna dalbadeen in caddaalada la horkeeno dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Xasan Sheekh oo hal shuruud ku xiray inay wada-hadlaan Somalia iyo Ethiopia
Next articleAbwaan Abees oo shalay magaalada Hargeysa lagu xiray oo lagu riday xukun lama filaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here