Home Wararka Maanta Sarkaal ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda oo Goordhow lagu dilay Gaalkacyo

Sarkaal ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda oo Goordhow lagu dilay Gaalkacyo

0

Wararka laga helayo gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, wuxuuna ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda Puntland.

Dilka marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan masjidka Salaaxudiin, xilli uu ka soo baxay saaladdii cishaha.

Gooobjoogayaal ayaa innoo sheegay in dilka ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga dhaq-dhaqaaqay, markii ay toogteen marxuum Cabdiraxmaan.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyey howlgallo kooban, balse ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay oo ku aadan falkaasi dilka ah.

Gaalkacyo ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay ka geystaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo weli ku xoogan deegaannada maamulka Puntland.

Sikastaba, dilkaan ayaa ku soo aadayo, xilli Puntland ay laba jibaartay howlgallada amniga, waxayna gacanta ku soo dhigtay shabakado isku xiran oo toogasho lagu xukumay.

 

 

Ad
Previous articleShacabka Gobalka Hiiraan iyo Galgaduud oo wajahaya xaalado xun
Next articleWasiir Roobow oo sheegay in Dowlada Soomaaliya ay guuleysaneyso beesha Mudulood darteed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here