Home Wararka Maanta Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo xabsiga loo taxaabay

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo xabsiga loo taxaabay

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa waxaa xabsiga u taxaabay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee maxkamadda sare ee caasimadda Islamabad.

Mr Khan ayaa ka soo hormuuqday maxkamada isagoo lagu eedeyay musuq maasuq, halka uu ku dooday in eedeyntaasi ay salka ku heyso arrimo siyaasadeed.

Wararka ayaa sheegaya in Mr Khan ay xireen ciidamada oo wata gawaarida gaashaaman kadib markii uu gudaha u galay dhismaha maxkamada.

Waxaa xilka RW laga tuuray bishii April ee sanadkii hore, waxa uuna tan iyo markaas u ololeynayay doorashooyinka in la qabto xilli hore.

wixii kasoo kordha halkan kala soco.

Ad
Previous articlePuntland oo Si adag uga Jawaabtay Hadalkii kasoo Yeeray Muuse Biixi
Next articleXaflad aroos oo Ka Dhacaysay Duleedka Balanbale ee Gobalka Galgaduud oo Mar Qura Tacsi isku Badashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here