Home Wararka Somaliya Galmudug Yaa Caawa Ku sugan Magaalada Caad oo Saakay Alshabaab Dagaal Qaraar kula...

Yaa Caawa Ku sugan Magaalada Caad oo Saakay Alshabaab Dagaal Qaraar kula Wareegeen?

0

Wararka aan Ka Helayno Magaalada Caad oo Saakay Alshabaab ku Qaadeen Dagaal Culus kadibna ay Xoog kula wareegeen.

Magaalada Caad ayaa caawa Cidlo ah kadib markii saaka ilaa iyo barqadii maanta uu ka socday Dagaal aan waxba la is kureeban, una dhaxeeyey Ciidanka CXD oo kaa shanaya kuwa deegaanka iyo maleeshiyaad Alshabaab ah.

Ciidankii joogay Caad ee Dowladda ayaa ku suganaa Caad ayaa Caawa ku sugan  Deegaanka Ceelhuur halkaas oo dib u gurasho u tageen.

Dhanka kale Alshabaab ayaa iyaguna Isaga Baxay Galabatay Galinkii Danbe Magaalada  Caad kuwaas oo ku laabtay y dhinaca Magaalada Jowla oo Saakay ay kasoo Weerar Tageen.

Kahor inta aysan bixin waxey dileen gabar iyo wiil deegaanka ah kuwaas oo Dilkooda u adeegsaday Midi Waxayna ka Jarewn Qoorta.

Sidoo kale Duqeyn ayaa qabsatay iyagoo u jeedkoodu yahay iney bililiqo la geestaan baqaar ay taalay mu caawino maalmo kahor halkaasi la geeyey.

Ciidan deegaan ah iyo ciidan Militari ah ayaa galabta mar ku laabtay magaalada in kastoo markii danbe ay dib uga baxeen. Xeelad xumo iyo kalsoonida oo xaad dhaaf noqotay ayaa wax walbaa u sabab ah.

Ad
Previous articleGalmudug oo U Gudubtay Finalka Koobka Maamul Goboleedyada iyo Xiliga Ay la Ciyaari Doonaan hirshabeele oo la Shaaciyay
Next articleMadaxweyne Xasan oo war lama filaan ah kasoo saaray kulankii Dhexmaray Asaga Iyo Madaxweynaha Masar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here