Home Wararka Somaliya Galmudug oo wada Dadaalo Looga Hortegayo Covid-19

Galmudug oo wada Dadaalo Looga Hortegayo Covid-19

0

Xili uu soo laba kacleeyey xanuunka Covid 19, isla markaana wasaaradda caafimaadka Galmudug ay xaqiijisay in 6 kiis oo xanuunka qaba laga helay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kormeer ku tagay isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda caafimaadka Axmed Faafale, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr. Mahad Caano Ciise iyo Duqa degmada Gaalkacyo C/raxmaan Sheikh Xasan, kuwaas oo kuurgalayay u diyaar garowga la tacaalidda Xanuunkaan.

Masuuliyiintaan oo uu isbitaalka ku soo dhaweeyey Isku duwaha wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Mudug Liban C/qaadir iyo agaasimaha isbitaalka Dr. Maxamed Cabdi, kuwaas oo kormeer lagu soo sameeyey qeybta loogu talo galay la tacaalidda xanuunkan ayaa waxaa warbixin ka siiyay Masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi agaasimaha isbitaalka.

Duqa degmada Gaalkacyo C/raxmaan Sheikh Xasan sheegey in Maamulka degmada hi doorkiisa ka qaadanayo sidii la isaga maahan lahaa ka hortagga xanuunka isla markaana bulshada uu ka codaanayo inay dhaqan galiyaan Fariimaha Bahda caafimaadka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Caaafimaadka Axmed Mirre faafaale ayaa xuseyn in dowladda Galmudug ay dadaal badan ku bixinayso xakamayn cudirka Covid 19 isla markaana bulshada looga baahan yahay inay yareyaan kulamada aan muhiimka ka ahayn so loo yareeyo Saamaynta cudurkaan.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo Maanta Mar kale Kulmaya
Next articleWarbixin: R/W Rooble ma noqon karaa Nuur cadde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here