Home Wararka Maanta Pep Guardiola oo Si xun uga carooday Taatikadii iyo xeeladdii uu ku...

Pep Guardiola oo Si xun uga carooday Taatikadii iyo xeeladdii uu ku ciyaaray Frank Lampard kulankii ay Everton

0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka cadhooday taatikadii iyo xeeladdii uu ku ciyaaray Frank Lampard kulankii ay Everton barbarraha soo laabshada ah ku qabatay Man City, taas oo fursad siisay Arsenal oo toddoba dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka.

Man City ayaa laba dhibcood lumisay, hase yeeshee tababare Pep Guardiola waxa uu niyad-samaan badan ka muujinayaa fursadda ay kooxdiisu u haysato inay soo qaban karaan Gunners.

Erling Haaland ayaa gool u dhaliyey Man City qaybta hore, balse waxa barbarreeyey Demarai Gray oo gool qurux badan ka dhaliyey qaybtii labaad.

Guardiola ayaa waxa uu eedayn u jeediyey tababaraha Everton ee Frank Lampard oo uu sheegay in aanu ciyaar usoo diyaar-garoobin balse uu difaac kaliya u yimid garoonka, waxaana uu tilmaamay in Everton siddeed ciyaartoy oo difaac ah ku dheelaysay.

“Waxay ahayd ciyaar wanaagsan. Si fiican ayaanu run ahaantii u dheelnay saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, niyad-samaan ayaanan ku qabaa in aanu hore u socon doono.” Ayuu yidhi Guardiola, waxaanu intaa ku daray: “In aad dhibco ku lumiso garoonkaagu way adag tahay, laakiin waxa aan isku dayayaa in aanu hagaajino ciyaartayada, siina wadno in aanu guuleysano.

“Waxa aan odhan kaaraa iyagu siddeed difaac ah ayay ku ciyaarayeen. Iyadoo xaaladdu sidaa tahay, haddana dhaqdhaqaaqyo iyo weerar ba waanu samaynay.”

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Xaalada Magaalada Laasacaanood iyo Soomaaliland oo Talaabo Adag Qaaday
Next articleWAR DEG DEG AH: Dagaal Culus oo Alshabaab ku Dhexmaraaya Duleedka Degmada Xarardheere ee Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here