Home Wararka Somaliya Galmudug QOOR QOOR oo ku Wajahan garowe si uu ugu Biiro Osbahaysiga Looga...

QOOR QOOR oo ku Wajahan garowe si uu ugu Biiro Osbahaysiga Looga Soo Horjeedo ee Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa inuu toddobaadka soo socda tago magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe, halkaasi oo uu iminka wada-hadallo kula leeyahay madaxweyne Saciid Deni.

“Madaxweyne Laftgareen iyo Wafdigiisa ayaa maalmo joogi doona Magaalada Garoowe isagoona kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu saraysa Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan Bulshada,” ayay tiri Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa lagu micneeyay iskaashi ay yeelanayaan Dowlad Goboleedyada dalka, sida aan xog ku helnay.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi ay ku kala kaceen fadhi ay ka yeesheen qadiyadda Koonfur Galbeed gaar ahaan doorashooyinka.

Deni ayaa la sheegay inuu Xasan Sheekh xilligaas ka dalbaday inuu joojiyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Lafta-gareen ee mucaaradka Koonfur Galbeed ay ka wadaan Muqdisho, taasi oo Xasan oo diiday.

Hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa laga yaabaa in wadahadaladooda kadib ay si wadajir ah ugu dhoofaan magaala madaxda Itoobiya ee Addis Ababa, balse ma cadda in Qoor Qoor uu isna raaci doono.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Oo Safar Deg Deg Ah Ku Gaaray Dalka Sucuudiga.
Next articleMahad Salaad oo Ka Hadlay Dilka yaab ka lahaa Ee Loo Gaystay Taliyihii NISA ee Gobalka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here