Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya Oo Kenya Kala Hadashay Culeyska Ku Yimid Helista VISAHA Dal...

Dowlada Soomaaliya Oo Kenya Kala Hadashay Culeyska Ku Yimid Helista VISAHA Dal Ku Galka Kenya

0

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaa iyo Safiirka Kenya u jooga Soomaaliya, Thomas Chepkoto ayaa wadahadal ka yeeshay sidii hoos loogu dhigi lahaa culeysyo maalmahan ay wajahayeen dadka Soomaaliya jooga ee doonaya iney u duulaan wadankaasi Kenya.

Sida wararka sheegayaan, labada mas’uul ayaa wadahadalkooda si gaar ah diirada ugu saaray iskaashiga duulimaadka ee labada dhinac, ansixinta heshiisyada gaadiidka iyo duullimaadka iyo dib u soo celinta duulimaadyada Kenya Airways.

Wasiir Fardowsa Cusmaan Cigaa ayaa safiirka la wadaagtay culeyska ay dadka ku qabaan helista Fiisaha dal ku gal wadankaasi oo markii hore mudo todobaad ah lagu heli jiray balse haatan ay qaadan karto ilaa bil, taasoo xitaa aan hubanti buuxda loo heyn in la helo.

Safiirka Kenya u jooga Soomaaliya, Thomas Chepkoto ayaa sheegay inuu xal u raadin doono arrintan, isagoo aan si rasmi ah wasiirada ugu sheegin xiliga ay dib u bilaaban doonto helista Fiisaha dal ku galka wadankaasi.

Si kastaba, Bishii July ee sannadkan, dowladaha Somaaliya iyo Kenya ayaa waxay ku heshiiyeen in sida ugu dhaqsaha badan dadka sita baasaboorka Soomaaliya ku helaan fiisaha dal ku galka Kenya, taasoo aan dhaqan gal noqon.

Ad
Previous articleCiidamo Hor leh oo ka qaybqaadanaaya Dagaalka lagula Jiro Alshabaab oo lasoo bandhigay(Sawiro)
Next articleDowladda Eritrea oo si kulul uga hadashay wadamo reer Galbeed ah oo doonaya iney buuq ku furaan xiriirka soo wanaaagsanaanaya ee kala dhexeeya dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here