Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo si buuxda ula wareegay Degmada Ceeldheer...

Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo si buuxda ula wareegay Degmada Ceeldheer iyo owlada oo War kasoo saartay

0

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya oo gacan ka helaya iyo kuwa deegaanka ayaa saakay si buuxda ula wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay isaga baxeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka huwanta ah ayaa xalay ku hoyday duleedka degmada Ceeldheer, ciidanka ayaana saakay gudaha u galay degmadaasi markii waagu baryay, waxa ayna ciidanka hadda baaritaano ka wadaan xarumaha kuyaalla degmadaasi.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxaned Nuur ayaa goordhaw xaqiijiyay in ciidanka xoogga dalka si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Ceeldheer oo gacanta Al Shabaab ku jirtay in ka badan 10-sanno.

Degmada Ceeldheer ayaa waxaa isaga baxay inta badan dadkii kunoolaa, waxaana degmadasai hadda tahay mid haawaneysa oo ay joogaan dad fara kutiris ah  iyo sidoo kale ciidankii la wareegay.

Qabsashada degmada Ceeldheer ayaa jab kale ku noqoneysa kooxda Al Shabaab oo hadda gobolka Galgaduud ka joogta kaliya degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo iyana socdaan abaabul dagaal oo la doonayo in looga saaro.

Ad
Previous articleWar Deg-Deg Ah; Alshabaab Oo Weerar Qaraxyo Ku Qaaday Deegaanka Xawaadley
Next articleWarar kii Ugu Danbeey Weerarkii Alshabaab ku Qaadeen Xawaadleey iyo Taliyihii Qaybta 3aad oo ku Dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here