Home Wararka Somaliya Galmudug Cali Daahir Ciid oo War Cusub kasoo Saaray khilaafka kala Dhaxeeya Qoor...

Cali Daahir Ciid oo War Cusub kasoo Saaray khilaafka kala Dhaxeeya Qoor Qoor

0

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo ka hadlay magaalada Caabdudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda xoogan ee ka taagan maamulkaasi.

Cali Ciid ayaa weji cusub u yeelay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo bannaanka usoo baxay todobaadkii hore.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa is babar dhigay arrinta Caabudwaaq iyo tan Laascaanood, isaga oo tilmaamay inay isku egyihiin kacdoon ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Kacdoonka maanta ka jiraa Caabudwaaq wuxuu u egyahay midkii Laascaanood ka dilaacay waxaa la rabaa inaad isku tashataan” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenku.

Sidoo kale wuxuu maamulka ka tirsan yahay ee Galmudug ku eedeeyay inuu xaqiray degmadan oo uu kasoo jeedo, wuxuuna tilmaamay in canshuurteeda laga faa’iideysto.

“Waxaan idin xaqiijinayaa degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug oo degmadan ay ugu horreyso inay xaqiran tahay inay wixii ay xaqa u lahayd helin” ayuu mar kale sii raaciyay.

Cali Daahir Ciid oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay reer Caabudwaaq inay iyagu tashadaan, waxna ka qabtaan xaaladaha ka jira magaaladaasi.

“Dhaqaalaha degmada laga soo saaro waa inay dib ugu laabtaan ayada oo lagu dhiso, sida sharciga dowladaha hoose uu dhigaayo, degmo walbaa ayadaa maamulkeeda u madax bannaan” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmuudg.

Hadalkan ayaa Cali Daahir Ciid wuxuu ka sheegay doorashada golaha deegaanka degmadaas, gaar ahaan garab isaga taageersan oo doortay hoggaan cusub.

Si kastaba, arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay, xilli haatan gobollada dhexe ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Ad
Previous articleWaa sidee xaalka sheekh Umal oo la sheegay inuu xanuunsanayo?
Next articleMaraykanka oo Shaaciyay Duqayn Shacab lagu laayay oo Dowlada Soomaaliya Qarisay oo Galmudug ka Dhacday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here