Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor oo Isugu Yeeray Saraakiisha Amniga Galmudug Xili Dagaalka Wajiga Labaad...

Qoor Qoor oo Isugu Yeeray Saraakiisha Amniga Galmudug Xili Dagaalka Wajiga Labaad Galmudug ka bilaabanaayo(Sawiro)

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shir xasaasi ah oo looga haayay oo arrimo kala duwan.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray xaaadda guud amniga dowladda Galmudug, amniga caasimadda iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa saraakiisha amniga ka dhageestay diyaar garow ka xiriira howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo ka bilaabanaya qeybo kamid ah deegaannada Galmudug.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa wada diyaar garow la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanno iyo degmooyin katirsan Galgaduud oo gacanta Al Shabaab ku jira.

Ad
Previous articleGacan ku dhiigle kale oo Baxsad ahaa oo lagu Qabtay Muqdisho
Next articleNinka Muslimka ah ee loo fasaxay in uu gubo kitaabada Towraadka iyo Baybalka balse sameeyay arrinta layaabka leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here