Home Wararka Maanta Xaalada Magaalada Dhuusomareeb, Ciidanka Ahlu-suna oo Dagaalka lagu jabiyay

Xaalada Magaalada Dhuusomareeb, Ciidanka Ahlu-suna oo Dagaalka lagu jabiyay

0

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug oo wadajira iyo kooxda Ahlu Sunna ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Dhuusomareeb iyo duleedkeeda.

Dagaalka ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad shacab ah oo ku sugnaa goobaha lagu dagaalamay.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa lagu jabiyay kooxda Ahlu Sunna ee duullaanka soo qaaday, waxa ayna dagaalyahanada kooxdaasi ku fashilmeen in ay la wareegaan magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale kooxda Ahlu Sunna ka qabtay maxaabiis kala duwan oo isugu jira kuwa dhaawacyo qaba iyo kuwa badqaba, waxaana magaalada Dhuusomareeb caawa dhaq dhaqaaqyo kawada ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ad
Previous articleMaxaa ku soo kordhay Dagaalka Dhuusomareeb ee u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu-Suna
Next articleWaa sidee Xaalka Magaalada Dhuusamareeb ee Saakay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here