Home Wararka Maanta Dowladda Turkiga oo joojisay safar dalkaasi ku tegi lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda...

Dowladda Turkiga oo joojisay safar dalkaasi ku tegi lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd

0

Dowladda Turkiga ayaa joojisay safar dalkaasi ku tegi lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd, sida ay ogaatay Mudug24.

Safarkan oo muddo dheer la qorsheynayay ayaa naloo xaqiijiyay in joojintiisa ay sabab u tahay heshiis beenaadkii dhawaan magaalada Addis Ababa ku dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa qorshuhu ahaa marka uu tago Turkiga uu halkaasi kula kulmo masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga, balse waa la joojiyay hadda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda ka dhalatey heshiiskii Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixtay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Waa tallaabo kale oo muujinaysa sida aysan dowladda Turkiga raali uga ahayn xad-gudubka madax-banaanida Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan taageero xooggan u muujisay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland, ee sida weyn uga careysiiyey shacabka Soomaaliya.

Heshiiskaasi is-afgarad ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20KM ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi, inkasta oo Itoobiya ay weli dhankeeda xaqiijin inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse waxay sheegtay inay dersi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

Ankara ayaa markaas sheegtay inay rajeyneyso in muranka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhammeeyo wada-hadal toos ah, oo ay yeeshaan Soomaalida, ayna taasi tahay hindisaha ay jihadiisa taageerayaan.

Turkiga ayaa kamid noqday dalalka saaxadda siyaasadda caalamka saameynta xooggan ku leh ee diiday heshiiskaasi. Waxaa horey heshiiska uga horyimid Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.
Ad
Previous articleDiyaaradii Laga Celiyay Hargaysa ee ethopian airline oo Markale Kasoo Dagtay Hargaysa
Next articleIn hawadeeda ay ka celiso diyaarad ay Itoobiya leedahay, Soomaaliya waxay direysaa farriin xooggan oo ah in Somaliland aysan ahayn dal madax bannaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here