Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoor Qoor oo Waan waan ka Dhexbilaabay Raysulwasare Rooble iyo Madaxweyne...

Madaxweyne Qoor Qoor oo Waan waan ka Dhexbilaabay Raysulwasare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo

0

Waxaa socda dadaalo nabadeed oo uu hormuud u yahay Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, kuwaas oo Durban laga dareemayo magaalada Muqdisho

Dadaalkaan ayaa bilaawday kadib markii uu magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxwayne Qoor qoor, kaas oo durbaba shirar kala duwan la yeeshay midawga musharixiinta, mas’uuliyiinta ugu saraysa dalka iyo qaybaha bulshada.

Guusha ugu wayn ee la gaaray waa in aanay dhicin wax gacan kahadal ah, kaas oo sida ay noo sheegeen siyaasiyiin kala duwan ay hurinayaan dad ka soo horjeeda doorasho ka dhacda dalka.

Xubno ka tirsan maamul goboleedyada ayaa aaminsan in khilaafka siyaasadeed looga bixi karo doorashada oo si wanaagsan u soo dhamaata.

In xalku noqdo dagaal waxaa ka muhiimsan in loo jihaysto wadada nabadda iyo dhamaystirka doorashada, waa halku dhiga madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoor qoor.

Ad
Previous articleShirkada ugu Horeysay ee Sweden oo Shaqada ka Ceyrineysa Shaqaalaha aan is Talaalin
Next articleMobilka ugu wanaagsan Dunida oo la Soo saaray iyo Dunida oo Maanta aad Looga hadal hayo (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here