Home galmudug Sawiro Dibad-bax lagu taageerayo Madaxweyne Qoor Qoor oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Sawiro Dibad-bax lagu taageerayo Madaxweyne Qoor Qoor oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Dibad-baxyo lagu taageerayo doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa ka socda maanta degaano ka tirsan gobolada dhexe ee Somalia oo hoos taga maamulkaas.

Banaanbaxa ugu weyn ayaa ka dhacaya Magaalada Cadaado halkaasoo ay iskugu soo baxeen qeybaha bulshada iyo waxgaradka magaalada oo taageero u muujiyey Madaxweyne Qoor-qoor iyo ku-xigeenkiisa, iyagoo watay boorar lagu sawiray madaxda Galmudug.

Dibed bax kale oo kan la mid ah ayaa la soo sheegayaa inuu ka socdo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug halkaasoo uu fadhiyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo si weyn uga soo horjeeda doorashadii shalay ka dhacday Dhuusamareeb.

Degmooyin iyo degaano kale oo ka tirsan Galmudug ayaa la soo sheegayaa iney ka socdaan banaanbaxyo kuwan la mid ah oo lagu taageerayo Madaxweyne Qoor-qoor.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here