Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mushrixiinta oo Bixinaaya Lacago...

Wararkii Ugu Danbeeyey ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mushrixiinta oo Bixinaaya Lacago aan Caadi ahayn

0

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya inay xalay xilli dambe illaa saaka ay socotay bixinta lacagaha musharaxiinta ay siinayaan xildhibaanada.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xarunta ololaha musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay noqotay halkii ugu horeysay ee lacag laga bixiyey, waxaana kadib ku xigsaday inta badan musharaxiinta kale.

Musharaxiinta ayaa bixinaya lacag u dhaxeysa 30 illaa 50 kun, ayada oo ay ku xiran tahay miisaanka xildhibaanka iyo heerka uu ka caawin karo musharaxa inuu xubno kale kusoo biiriyo.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Saciid Deni ay goordhow Bilaabeen   bixin  lacagta.

Villa Somalia ayaa xalay keentay xujo cusub oo yaab leh, ayada oo xildhibaanada u sheegeysa inay lacagtooda qaataan kadibna seexdaan Villa Somalia, taasi oo ay diideen.

Villa Somalia ayaa la filayaa in in xildhibaankiiba ay siiso 150 kun oo dollar, taasi oo noqon doonta lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado cod xildhibaan, waxaana adag in la helo musharax bixin kara lacag taas la mid ah.

 

 

Ad
Previous articleInta Badan Ciidamadii Ahlusuna ee Ka Dagaalamay Dhuusamareeb oo lasoo Qabtay
Next articleFaah-faahin ka soo baxaysa toogasho dad badan ku dhinteen oo ka dhacday Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here