Home Wararka Maanta Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir oo si rasmi ah xilka ugala...

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir oo si rasmi ah xilka ugala wareegay ballan-qaad culusna u sameeyey shacabka Muqdisho

0

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay si rasmi ah xilka ugala wareegay gudddoomiyihii hore Cumar Filish ayaa ballan-qaad culus u sameeyey shacabka Muqdisho.

Madaale ayaa sheegay in maamulkiisa uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka iyo sidoo kale kooxaha ciyaal weerada ee dhibaatada ku haya reer Muqdisho, isaga oo shaaca ka qaaday inuu kaashan doono hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka hortegi doonaan weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso caasimada, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii la soo dhaafay.

“Waxa aan ka shaqeynayaa gacansiinta hay’adaa amniga, waxaa lagama-maarmaan ah in la is garabsado oo waxa uu amniga ka dambeeyaa ummad wada haylan, waxaana ka shaqeyn doonnaa sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka naga haysta amniga si looga guuleysto Argagixisada & kuwa kale ee magacyada kale la baxay ee Ciyaal weerarada” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in mas’uuliyadda loo igmaday uu ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

“Mas’uuliyaddu ma ahan mid lagu xarakoodo, mas’uuliyaddu ma ahan mid lagu boola-xufteeyo, mas’uuliyaddu waa mid maalinta qiyaamo lagu waydiinayo cirkana diiday dhulkana diiday, qof weliba oo la saaray waa qaadum (Adeege) la rabo in uu shaqeeyo balse aan ka shaqeysan” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye Madaale.

Ad
Previous articleDagaal culus oo mar kale ka dhax qarxay ciidamada Dalalka Armenia iyo Azerbaijan
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan muhiim ah laqaatay Madaxweyne Ruto (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here