Home Wararka Somaliya C/rashiid Janan wasiirka Amniga Jubbaland kana Baxsaday Xabsiga Dowladda oo Beeniyay inuu...

C/rashiid Janan wasiirka Amniga Jubbaland kana Baxsaday Xabsiga Dowladda oo Beeniyay inuu Heshiis la galay Dowladda

0

Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay saacado kahor warar sheegaya in Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu heshiis la galay dowladda, hayeeshee waxaa wararkaas ka hadlay Wasiirka.

Wasiir Cabdirashiid Janan oo goor dhow la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo dowladda Federaalka uu u socdo wada-hadal lamid ah kan Madaxda dowladda iyo maamulada uga socda Magaalada Muqdisho.

Wasiir Janan ayaa waxaa uu beeniyay wararka lagu faafiyay baraha Bulshada ee sheegayay inuu isaga heshii la galay dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu ku wajahan yahay degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Faah faahin intaas ka badan Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland kama bixin wararkiisa ku aadan inuu wada-hadal dowladda Federaalka Somaaliya kula jiro, uuna beeniyay wararka laga faafiyay.

Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa isku haaya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, waxaana dowladda ay Gobolkaas geeysay Ciidamo farabadan, Hub iyo gaadiid nooca dagaalka.

Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo War ka soo saartay Shirkii Maanta Muqdisho ka dhacay
Next articleMaxay ka wadahadleen Madaxweyne Qoor qoor iyo Dani ?.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here