Home Wararka Maanta Askar Jabuutiyaan ah oo weerar gaadmo ah lagu dilay iyo kuwa kale...

Askar Jabuutiyaan ah oo weerar gaadmo ah lagu dilay iyo kuwa kale oo Nolosha lagu la’ yahay

0

Koox jabhad hubeesan ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday xerada Garabtiisan ee leeyihiiin milatariga dalka Jabuuuti , waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo askarta soo gaaray.

War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa lagu sheegay in weerar ay ciidankooda kusoo qaadeen koox hubeesan lagu dilay todobo askari halka lagu dhaawacay afar kale, waxa ayna wasaaradda sheegtay in askar kale nolol lagu la’ yahay.

“Inkastoo ay askarteennu si geesinimo leh isaga difaaceen weerarkaasi, waxaa ku dhintay toddobo ka mid ah askarteenna, afarna waa ku dhaawacmeen, halka lixna la la’yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Jabuuti.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle , ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerarkan askarta badan looga dilay ciidankooda, waxa uuna ku hanjabay in dowladda sharciga horkeeni doonto kuwii weerarkaasi geestay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo gaarayDalka Uganda
Next articleDowlada Soomaaliya oo Talaabo adag ka Qaaday Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here