Home Wararka Maanta Farmaajo oo diiday ka qeyb galka Shirka Muqdisho

Farmaajo oo diiday ka qeyb galka Shirka Muqdisho

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku casuumay  madaxdii horey dalka usoo martay iyo siyaasiyiin kale, kulan wadatashi ah oo ay ka yeelanayaan go’aannadii kasoo baxay shirkii Golaha Watashiga Qaran.

Sida aan xogta ku helnay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa casuumad u diray madaxweynayaal hore, ra’isul wasaarayaal iyo guddoomiyaal baarlamaan , kuwaa oo qaar badan oo kamid ah aqbaleyn ka qeyb galka shirka, halka kuwa kalana ay cudur daarteen.

Shirkan wadatashiga ah uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu waday in maanta ka furmo magaalada Muqdisho, warar aan helnmay ayaa sheegaya in shirka uu dib u dhac ku yimid lana filayo in beri ka furmo Muqdisho.

Xogaha aan helnay ayaa sheegaya in ujeedada shirkan u qaban qaabisay Villa Soomaaliya sidii ay madaxdan hore uga talo gelin laheyd heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka qof iyo cod iyo muddo kororsiga dadban ee sameesteen.

Shirkan oo lagu casuumay madax kala duwan ayaa la sheegay in uu ka cudur-daartay madaxweyne hore Farmaajo sida afhayeenkiisa sheegay, Farmaajo ayaana sheegay in uusan shirka imaan karin uuna leeyahay ballamo iyo howlo kale.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan oo isna kamid ah madaxda shirka lagu casuumay ayaan wali la ogeyn in uu ka qeyb galayo iyo in kale, mana jiro liis ilaa hadda madaxtooyada soo saartay oo ku aadan ka qeyb galayaasha shirka.

Ilo katirsan madaxtooyada ayaa sheegay in ka qeyb galka shirka inta badan aqbaleen madaxda lagu casuumay ay ku jiraan Madaxweyne hore Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble, Shariif Xasan, Jawaari iyo madax kale oo xilal sare soo qabtay.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaan la ogeyn in ay aqbali doonto go’aannada iyo aragtiyada kasoo baxa shirkan Muqdisho ka dhacaya, madaxdii hore ee dalka intooda badan ayaa kasoo horjeeda go’aannadii shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Ad
Previous articleAlshabaab oo go,doomiyay Magaalada Baydhabo iyo Sicir barar xoogan oo laga Dareemaayo Magalaadaas
Next articleXage Ayuu ku Danbeeyey Mooshinkii ay Wadaan Qaar ka Mid ah Baarlamaanka Soomaaliya(Xog)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here