Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Galmudug oo Maanta La waeegay Deegaano Dhowr ah

Ciidamada Galmudug oo Maanta La waeegay Deegaano Dhowr ah

0

Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay si nabdoon gacanta ugu dhigeen Deegaanada Hareeri dheere, Cimaamad iyo Deegaano kale oo ka firxadeen  Al shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed qeybta 21 aad iyo Daraawiishta Galmudug ayaa xalay qaaday Howlgal jahooyin kala duwan lahaa oo Ururka Al shabaab looga saarayay Koonfurta Gobolka mudug waxaana lagu qabsaday magaalada Bacadweyne iyo Tuulooyinka Qeycad, Hareeri dheere, Cimaamad iyo kuwa kale

Ciidamada ayaa dhamaan Howlgal Miino Baaris ah xiligaan ka wada dhamaan Deegaanadii ay Gacanta ku dhigeen

Taliyaha La-Dagaalanka Argaguxisada Daraawiishta Galmudug Geedi Qalabxoor ayaa sheegay inay wadaan Baacsiga  Al shabaab ee ku dhuumaalaysanayay Deegaanadaas

Ad
Previous articleGuddiga Doorashada galmudug oo La doortay
Next articleQaramada Midobey iyo Dowladda Kenya oo Ka wadahadlay Xaalada Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here