Home Wararka Somaliya Maamulka Jubbaland oo Sharuud ku xiray ka qeyb galka Doorashada Somaliya

Maamulka Jubbaland oo Sharuud ku xiray ka qeyb galka Doorashada Somaliya

0

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad gobaleedka Jubaland Cabdi Xuseen Sheekh  Maxamed ayaa waxa uu sheegay in uusan isbadalin mowqifkooda ku aadan ka qaybgalka doorashada hadii aan lagu wareejin maamulida Gobalka Gedo .

Waxa uu sheegay in marwalba ay diyaar u yihiin in laga wada hadlo arrimaha taagan ee masiiriga ah si dalka ay doorasho loo wada dhanyahay ay uga dhacdo.

Waxa uu sidoo kale raja kamuujiyay in shirka baydhaba kasocda ay wax wanaagsan kasoo baxaan madaama looga hadlaayo arimaha doorashooyinka , tan gobalka gedo iyo Arimaha Matalaada Soomaaliland ee Baarlamaanka.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad gobaleedka Jubaland Cabdi Xuseen Sheekh  Maxamed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli an heshiis laga gaarin arrinta Gobolka gedo.

Ad
Previous articleMaxkamadda ICJ oo go’an kasoo saartay Codsiga Dowlada Kenya ee dib u dhigista Dacwada
Next articleMidowga Musharixiinta iyo Beesha Caalamka oo kulan yeelanaya maanta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here