Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Al Shabaabn oo weerar ku qaaday lana wareegtay Deegaan...

Wararkii ugu Danbeeyey Al Shabaabn oo weerar ku qaaday lana wareegtay Deegaan ay wareejiyeen Ciidamada ATMIS

0

Dagaalyahanno aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Gariley ee gobolka Gedo, waxaana halkaasi lasoo sheegayaa in uu ka dhacay dagaal labada dhinac khasaaro kasoo gaaray.

Weerar dhowr jiho ah ayaa la sheegay in Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Gariley oo ahaa istaraatiiji , waxaana halkaasi dagaal kaddib lagu soo waramayaa in ay la wareegeen kooxda Al Shabaab.

Deegaanka Gariley waxaa sannadihii lasoo dhaafay ku sugnaa saldhig weyna ku lahaa ciidamo katirsan milatariga Kenya ee qeybta ka ah ATMIS, ciidamada Kenya ayaana dhawwaan saldhigan ku wareejiyay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin weerarkan Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Gariley iyo wararka sheegaya in kooxdaasi deegaanka kala wareegtay ciidanka dowladda.

Ad
Previous articleMadaxweyne Raisi oo weeraray Reer galbeedka ka dib kulan uu la qaatay dhigiisa Musaveni (Sawirro)
Next articleGolaha wasiirada oo ansixiyay magacaabista agaasime Cusub oo Dhawaan la Magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here