Home Wararka Maanta Sadex Dowlada Oo Wawayn oo uu ku jiro Mareykanka, oo ku dhawaaqay...

Sadex Dowlada Oo Wawayn oo uu ku jiro Mareykanka, oo ku dhawaaqay dhaqaale cusub oo la siinayo Soomaaliya

0

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Qatar ayaa Muqdisho ku soo bandhigay heshiis iskaashi horumarineed si ay u daahfuraan barnaamijka gargaarka abaaraha iyo adkeysiga oo ay ku baxeyso $10.5 milyan oo uu dhaqan-galinayo barnaamijka dhisidda adkeysiga bulshooyinka ee Soomaaliya (BRCiS).

Iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa lagu sheegay in uu xoojinaya maalgashiga ka-hortagga macluusha iyo dhisidda adkeysiga ee ay horaan u sameeyeen USAID, UKAID, iyo Sanduuqa Horumarinta ee Qatar (QFFD) sanadihii 2021/22 wuxuuna awood u siin doonaa BRCiS inay joogteyso bixinta adeegyada naf-badbaadinta ah iyadoo la dardargelinayo dadaallada soo kabashada lixda bilood ee soo socota.

Mike Nithavrianakis, Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in xaaladda Soomaaliya ay weli halis tahay, islamarkaana ay boggaadinayaan bixinta gargaarka bini’aadnnimo ee joogtada ah.

“Xaaladda Soomaaliya weli waa halis. Waxaan bogaadinaynaa bixinta gargaarka bini’aadannimo ee joogtada ah ee ay bahwadaagteena ku bixiyeen ka hortagga macluusha dalka oo dhan sanadkan,” ayuu yiri Amb. Mike Nithavrianakis.

“Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini’aadannimo oo keliya ma xallin karto dhibaatada. Taasi waa sababta UK ay u xoojineyso ka jawaabidda BRciS ee abaaraha iyadoo loo marayo wadashaqeynta Mareykanka iyo Qatar.”

Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Abdullah bin Salim Al-Naciimi ayaa asagna yiri: “Dhibaatada abaaruhu waxay mugdi gelisay xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya oo markii horeba ka sii dareysay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus, taasi waxay saameysay malaayiin qof, waxayna kordhisay khatarta macluusha, barakaca, cunto yarida, iyo nafaqo-xumada ba’an ee soo wajahda carruurta.

Mudane Dr. Abdullah bin Salim Al-Naciimi ayaa ugu dambeyntiina sheegay in bixinta taageerada bini’aadannimo iyo gargaarka ay yaraynayso malaayiinta ay saameeyeen xaaladaha bini’aadannimo, isaga oo tilmaamay inay ka shaqayneyso ka hortagga xaaladaha abaaraha ee ka jira Soomaaliya.

Ad
Previous articleMidowga Yurub oo dib u fasaxay lacagtii uu ku kabi jiray miisaaniyadda dowladda oo Xiligii Farmaajo la Hakiyay
Next articleAlshabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Xero ay Daganaayeen Ciidamada ATMIS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here