Home Wararka Maanta Alshabaab oo Shaacisay Tirada Ciidamada Saakay ay ku Dileen Ruunirgood kadib Dagaal...

Alshabaab oo Shaacisay Tirada Ciidamada Saakay ay ku Dileen Ruunirgood kadib Dagaal Halkaas ay ku Qaadeen

0

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo farriisimo ciidan ku lahaayeen ciidanka milatariga iyo kuwa deegaanka.

Sida aan wararka ku helnay dagaal culus ayaa degmada Ruun-nirgood ku dhax maray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada milataiga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska Gor Gor.

Al Shabaab ayaa durbo guulo waa weyn ka sheegatay weerarka saakay ku qaadeen degmada Ruun-nirgood, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen 51-askari sidoo kale ku gubeen 8 gaari oo ciidamada lahaayeen.

“Khasaaraha dhimasho ee cadawga kasoo gaaray weerarka ay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga  degmada Ruun-irgood waa 51 dhimasho ah oo soo gaartay ciidamada Turkigu ku shaqaysto ee loogu yeero Gorgor, kuwaas oo iskugu jira saraakiil iyo askar. Dhamaan gaadiidkii ciidamada u yaallay saldhiga oo ay tiradiisu ahayd 9 gaari 8 kamid ah dagaalka ayaa lagu gubay, halka mid kamid ahna lasoo qaniimaystay” ayuu yiri Sheekh C/caziiz Abuu Muscab.

Ad
Previous articleSaraakiil Itoobiyaan ah oo Qaban Doono Ceelbuur iyo Wabxo oo Gaaray Baladweyne
Next articleMala helay asal ahaan xayawaankii uu ka yimid fayriska cudurka Covid19?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here