Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Ka Dhacay Jowhar iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Ka Dhacay Jowhar iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa si gaar ah uga dhacay garoonka magaaladaasi, wuxuuna u dhexeeyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab iyo kuwa ilaalada madaxtooyad HirShabelle, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka lagu qaaday ciidamo galbinayay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Cabdixakiin Luqmaan oo doonayay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar, waxaana kadib meesha ka dhacay iska hor imaad toos ah.

Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Jowhar ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna eedeyn u jeediyay ciidamada Danab ee ku sugan aagga garoonka magaaladaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaal lama filaan ah lagu soo qaaday isaga, wafdiga uu hoggaaminayay iyo ciidamada la socday, loona adeegsaday hub culus.

Waxaa kale oo uu xaqiijiyay in dhankooda uu soo gaaray dhimasho iyo dhaawac, ayna ku jiraan xildhibaano ka tirsan HirShabelle.

Cabdixakiin Luqmaan ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in arrintan ay soo farageliso, isla-markaana dhacdadaasi ka bixiso jawaab deg deg ah.

“Qaar kamid ah xildhibaanadii baarlamaanka ee ila socday ayaa ku dhaawacmay weerarkan halka ilaalada qaar kamid ahna ay dhinteen, waxaan jawaab ka sugeynaa dowladda federaalka.” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dagaalka si weyn looga dareemayaa caasimada HirShabelle ee magaalada Jowhar.

Si kastaba, dagaalkan ayaa daba socda mid kale oo shalay ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo hal askari looga dilay ciidamada Danab ee ka howlgala halkaasi.
Ad
Previous articleDegmooyin Cusub oo kusoo Biiray Hirshabeele oo Maantay La Ansixiyay
Next articleDowlada Shiinaha oo kenya uga Digtay Weeraro Alshabaab uga Imanaaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here