Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Weerar Ku Bilowday Qarax oo lagu Qaaday Hotel...

War Deg Deg ah: Weerar Ku Bilowday Qarax oo lagu Qaaday Hotel kasoo Horjeeda Madaxtooyada

0

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal kusugan Muqdisho, Hotel SYL oo kuyaala kasoo horjeeda Madaxtooyada Soomaaliya ayuu ka dhacay weerar kubilowday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, ka dibna dabley hubeysan ayaa gudaha gashay.

Koox hubaysan ayaa weerar ku qaaday Hotelka SYL oo ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax xooggan kaasi oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka G/Banaadir.

Qaraxa kadib ayaa waxaa gudaha Hotelka ka bilaabatay rasaas xooggan,waxaana wararku ay sheegayaan in gudaha ay ka dagaalamayaan koox hubaysan oo gudaha u galay

Xildhibaano katirsanaa baarlamaanka 11-aad oo goobta kusugnaa ayaa sheegay in ay weerarkan ka badbaadeen, ilaa hadda majiro faahfaahin dheeraad ah oo ay bixiyeen laamaha Amniga.

Ad
Previous articleCiidamada Ahlusuna Waljamaaca oo Dib ula Wareegay Degaanka Xinlabi
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Madax Sare oo khasaaro Xoogan kasoo Gaaray Weerarkii Hotek SyL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here