Home Wararka Maanta Darawalka Wasiir Ka Tirsanaa Dowlada iyo Gaari uu La Goostay oo Alshabaab...

Darawalka Wasiir Ka Tirsanaa Dowlada iyo Gaari uu La Goostay oo Alshabaab u Galay lana Soo bandhigay(Sawiro)

0

Al-Shabaab ayaa degaanada ay maamusho ku soo bandhigtay seddax askari oo ay tillmaameen inay kasoo goosteen Maamulka Jubbaland oo watay gaari ay kala soo goosteen wasiir ka tirsan Maamulkaas

Cabdicasiis Abuu Muscab Afhayeenka howlgallada ee Al-Shabaab ayaa sheegay in askartaan ay towbad keentay, kana soo baxeen Jubbaland, isagoo xusay iney la soo goosteen gaari.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga ay askartan la goosteen uu lahaa wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha ee Jubbaland Mustafa Xaaji.

Askarta la goostay gaariga ayaa waxaa ku jira sida wararku nagu soo gaareen darawalkii Wasiirka, waxaana la geeyey gaariga iyo askarta la socotayba degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin askarta iyo gaadiidka lagala goostay ee Al-shabaab ay ku soo bandhigtay degmada Jilib, lamana oga sababta askartan ku kaliftay falka ay ku kaceen.

Ad
Previous articleMeydka aabe Cali xuseen Jibril oo la helay kadib markii labo bilood kahor la waayay
Next articleMaxkamada Ciidamada oo Qaab Cajiib ah Saakay u toogatay 4 askari Ciidamada Dowlada ka Tirsanaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here