Home Wararka Maanta Tirada wariyaasha tebinayay dagaalka Qasa ee la dilay oo la shaaciyay

Tirada wariyaasha tebinayay dagaalka Qasa ee la dilay oo la shaaciyay

0

17 wariye ayaa la dilay kuwaas oo tabinayay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas kaas oo qarxay 7-dii Oktoobar, sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee wariyaasha ee aan xuduudda laheyn ee magaceeda loo soo gaabiyo RWB.

13 ka mid ah waxaa lagu dilay Marinka Qasa, sida ay sheegtay hay’addu. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in wariyaasha ku dhintay xaalado aan la hubin oo dagaalka la xiriira tiro ahaan ay gaarayaan 63 qofood oo dhamaantood dagaallada lagu dilay.

Horaantii bishaan, kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay in lagu sameeyo baaritaan ku saabsan in dambi dagaal ay gashay oo dhanka wariyaasha ah.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters, Issam Abdallah, oo 37 jir ah, ayaa ku dhintay dab u muuqday taangiyada oo ka soo tallaabay xadka Israa’iil iyo Lubnaan. Lix qof oo kale ayaa ku dhaawacantay.

Amnesty iyo Human Rights Watch ayaa sheegay in baaritaannada ay muujiyeen in saxafiyiinta ay u badan tahay in si ula kac ah ay u rasaaseeyeen taangiyada Israa’iil.

Israa’iil ayaa beenisay in ay beegsatay wariyeyaasha.

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Alshabaab ku Sugnaa Koonfurta Mudug oo la Duqeeyey iyo Ciidamada Dowlada oo kaabiga Ku Haaya Magaalada…..
Next articleAlshabaab oo Guud ahaan Laga Saaray deegnaaka Shabeeloow kadib Markii…(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here