Home Wararka Maanta Waa imisa tirada maxaabiista iyo gaadiidka Somaliland looga qabsaday Goojacadde?

Waa imisa tirada maxaabiista iyo gaadiidka Somaliland looga qabsaday Goojacadde?

0

Kadib dagaalkii shalay subax ka dhacay xeradii ugu weyneed ee ciidamada Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ku lahaayeen gobolka Sool ee Goojacadde, ayaa waxaa u suuragashay ciidamada la wareegay goobta ee SSC in ay gacanta ku dhigaan maxaabiis iyo gaadiid dagaal.

Magaalada Laascaanood oo muddo siddeed bilood ah bulshadii ku noolayd ay barakac ku yihiin degaanno kala duwan ayaa waxaa laga dareemayay gaadiid badan oo ku soo qulqulaya iyadoo cabsi xoogleh ay ka taagan tahay kumannaan gumucyo ah oo aan qarxin oo dhulka ku duugan.

Maxaabiista

Sida ay inoo sheegeen xubno ka tirsan SSC, dagaalka ayay ku qabteen in ka badan 157 askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland oo 40 kamid ah ay yihiin dhaawac, laguna dabiibayo goobaha caafimaadka.

Sidoo kale saaka ayay sheegeen inay maxaabiis cusub ka soo qabteen goobo baadiye ah. Balse xogtaasi BBC ma xaqiijin karto.

Dhanka Somaliland weli ma xaqiijin tiradan.

War qoraal ah oo shalay ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaliland ayaa lagu yiri, “Ciidanka Qaranku waxay ku jiraan dib-isku-habayn iyo diyaargaroow culus oo cadowga lagaga hortagayo.”

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan ciidamo ka lumay waddooyinkii loogu tala galay welina aan soo gaarin goobihi loogu talagalay.

Dadka shalay ay SSC qabatay waxaa kamid ah taliyihii guutada 12 aad ee ciidamada Somaliland oo lagu magacaabo Feysal Bootaan.

Faysal Cabdi Bootaan, waa sarkaal ruugcadaa ah oo ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa inta badan hogaaminayay dagaalladii horey uga dhacay aagga Goojacadde, ee dhexmaray Somaliland iyo SSC.

Guutada uu hoggaaminayay ee 12 aad ayaa ahayd ciidamadii ugu badnaa ee ku sugnaa Goojacadde.

Intuu socday dagaalka Laascaanood ayuu mar ku dhaawacmy dagaalka, balse maalin kadib ayuu warbaahinta la hadlay isaga oo sheegaya in wax sidaas u badan aysan soo gaarin.

Gaadiidka iyo Hubka

Sida uu noo sheegay Cabdulqaadir Abshir Xaaji Diiriye oo ka mid ah guddiga 45-ta ah ee maamula Guddiga SSC, ilaa 84 gaadiidka dagaalka ah ayay ciidamada ku qabteen dagaalkii Goojacadde ay kula wareegeen.

Xogta uu nala wadaagay ayaa ah sidan:

Shan taangi

Toban Beebbe

Labo PM-21

30 Zikauu

25 Dhashiike (qori dagaal)

Toddoba Zuu-21

Saddex Zuu-37

Hal Madfac oo nuuciisu yahay 130

Hal Madfac oo nuuciisu yahay 105

Iyo saddex gaadiidka xamuulka ah sida ay sheegeen saraakiisha, waxaa kale oo jira gaadiid aan weli la diwaan-gelin.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Shirka Maalintii labaad kasocda Dhuusamareeb iyo Deni oo Wali ka maqan
Next articleBonomade Machude Omar oo malaayiin Doolar lagu raadinyay oo la Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here