Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Soo Riday Diyaarad Drone ah alshabaab lahayd(Sawiro)

Ciidamada Dowlada oo Soo Riday Diyaarad Drone ah alshabaab lahayd(Sawiro)

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Ururka 260aad Guutada 9aad Qaybta 60aad ayaa xalay sheegay iney soo rideen dayuurad Drone ah oo ay aaminsan yihiin iney adeegsanayeen Al Shabaab.

Dayuuradan oo ah mid aad u yar oo la moodo qalabka ay ku ciyaarto caruurto ayay ciidanku rasaas ku fureen xili dul mareysay xero milateri oo ku taalla duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool

“Drontan ayey khawaarijtu u isticmaali jireen basaasida ciidanka iyadoo la soo riday xili ay ku guda jirtay basaasidda fariisimaha ciidanka Naftood hurayaasha ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada.

Waxaa la sheegay in dayuuradan ay ku xirnaayeen kaamirooyin yar yar oo loo adeegsan karo in wax lagu basaaso.

Lama oga weli halka ay al shabaab ka keentay dayuuradan, inkastoo talaabadan ay ku soo aadeyso xili dhowaan la qabtay ganacsato Soomaaliyeed oo dekeda Muqdisho kala degtay Kontainaro ay ku jiraan qalab ciidan oo elektronic ah sida qalabka habeenkii wax lagu arko, dayuurado Drone ah oo basaasnimada loo adeegsado iyo waxyaabo kale oo la aaminsan yahay in loo waday Al shabaab.

Ad
Previous articleDagaal Qaraar oo Ka Dhacay Jowhar iyo Khasaaro Ka dhashay
Next articleCiidamada Dowlada oo maantay Alshabaab Badan laayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here