Home Wararka Somaliya Sawiro: Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda deegaanka

Sawiro: Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda deegaanka

0

Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug mudane Cali daahir ciid iyo wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug Saciid Siyaad Shirwac oo ay wehliyaan Mas’uuliyiinta mashruuca biyoole ayaa dhagax dhigey dhismaha cusub ee Wasaaradda deegaanka oo ka bilaabanaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Xaruntan oo loo dhisayo hab casri ah ayaa noqon doonta xafiisyada maamulka guud ee Wasaaradda deegaanka Galmudug, waxaana lafilayaa in ay qayb ka noqon doonto Wasaaraddu kuwa ugu sareeya dhanka dhismayaasha guud ahaanba Wasaaraddaha Galmudug ee intooda badan mudooyinkan ku howlanaa sidii ay u yeelan lahaayeen xarumo dhexe oo laga hago shaqooyinka socda.

Maxamed xuseen cabdi, Iskuduwaha Mashruuca biyoole ee dhismaha Wasaaraddani qaybta ka yahay ayaa faah faahiyey habka loo agaasimey howshan bilaaban doonta.

Saciid Siyaad Shirwac, wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug ayaa dhankiisa ka mahad celiyay dib u dhiska xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Ugu dambeyn Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa  kaga mahad celiyay cid kasta oo qayb ka noqotay fududeynta taageerada lasiinayo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug ayaa qayb ka ah mashaariic si isku mid ah uga bilaabmay Magaalada Dhuusamareeb oo lagu hirgalinayo qaar ka mid ah Xarumaha Wasaaraddaha Galmudug.

Ad
Previous articleKulan Gaalkacyo ku dhexmaray Galmudug iyo Puntland oo looga hadlay arimo Muhiim ah
Next articleSawiro: Duqa Degmada Gaalkacyo oo Muqdisho kula kulmay Maamulka Gobolka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here