Home Wararka Somaliya Galmudug Maamulka Galmudug oo ka Hadlay Weerar Dad Shacab lagu dilay oo ka...

Maamulka Galmudug oo ka Hadlay Weerar Dad Shacab lagu dilay oo ka dhacay Duleedka Gaalkacyo

0

Maamulka GALMUDUG Ayaa Canbaareeyay Weerar Lagu Dilay Dad rayid ah Oo ka dhacay Duleedka Galdogob Ee Gobolka Mudug.

Xildhibaan Yonis Maxamed Shaare Oo ka mid ah Baarlamanka GALMUDUG Ayaa si kulul Uga Hadlay Weerar Dabley Hubeysani Caawa ka geysteen Aagga Degmada Galdogob Ee Gobolka Mudug.

Xildhibaan Yonis Maxamed Oo Qoraal Uu Warbaahinta la wadaagay soo Saaray Ayaa yiri”Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa falka wuxuushnimada ah ee caawa loo gaystay dadka xoolo dhaqatada ah ee lagu laayay duleedka Galdogob.

Kooxaha falkan ka danbeeyay waa kuwo aan matalin cidna, sidookale waa kooxo ka shaqeynaya inay burburiyaan Nabadda iyo isdhexgalka dadka walaaalaha ah ee ka soo jeeda galmudug iyo puntland.Waxay dhiirigalinayaan kuna shaqaynayaan afkaar xagjir ah iyagoo xagal daacinaya dagaalka lagula jiro kooxaha nabad diidka ah.

Waxaan ugu baaqayaa Hay’adaha Amniga Galmudug iyo Odayaasha dhaqanku inay doorkooda qaataan islamarkaana sharciga horkeenaan kooxahaas qaswadayaasha ah ee dhiiga dadka muslimiinta sida gardarada ah u banaystay”

Ad
Previous articleWar Hada Ah: Weerar Dad lagu dilay oo ka dhacay Duleedka Gaalkacyo
Next articleWararka ugu danbeeyay Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo Howgalo ka sameeyay Gobolka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here