Home Wararka Maanta Banaanbax Looga soo Horjeedo Dowladda Soomaaliya oo Maanta ka dhacaya Muqdisho

Banaanbax Looga soo Horjeedo Dowladda Soomaaliya oo Maanta ka dhacaya Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda Qaban qaabada Banaanbax ka dhan ah Dowladda Soomaaliya kuna saabsan Dhalinyaradii dhawaan ay Tababarka u qaadeen oo wili Jawaab Laga helin.

Waxaa dhigaya Dibadbaxa Hooyooyin Soomaaliyeed waxayna Muujinayaan Shucuurtooda waalidnimo Maadaama Dowladda Soomaaliya ay Afka ka xiratay in Waalidiinta ay la hadasho islamarkaana ay qanciyaan.

Qaar ka mid ah Ehelka oo La hadlay Mudug24 ayaa sheegay in ay xiri doonaan dhamaan Kontaroolada Laga galo Madaxtooda dalka si Dowladdu u aragto Culeyska shacabka Haysta.

Dhowr jeer ayay dhigeen Banaanbaxyo Nuucaan ah balse kani waxuu imaanayaa xilli dhawaan Qaramada Midoobey ay shaacisay in dhalinyara Soomaaliyeed laga qeyb galiyay dagaal ka dhacay itoobiya.

Ad
Previous articleMadaxweynihii Hore Sheekh Shariif oo Ka walaacsan Hadalkii Qaramada Midoobey ee Caruurta Somaliyeed
Next articleXukuumda Somaliya oo ka hadashay Duqeymaha Kenya iyo Caruur lagu la’yahay Dalka Erteria

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here