Home Wararka Maanta Qoor Qoor oo ka hadlay guusha xulkiisa Galmudug uu kasoo hooyay tartanka...

Qoor Qoor oo ka hadlay guusha xulkiisa Galmudug uu kasoo hooyay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir Dalab Culusna Soo Diray

0

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa ka hadlay guusha xulkiisa Galmudug uu kasoo hooyay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa codsaday in sanadka dambe ee 2025 uu maamulkiisa marti-geliyo tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka.

“Hambalyo Habmalyo dhallinyaro. Waxaan idin daawaday dhammaan daqiiqadihii ciyaarta, waxaad u ciyaarteen si cajiib ah, waxaad muujiseen akhlaaq wanaag iyo xirfad sarreysa,” ayuu Qoor-Qoor ku yiri qoraal kooban oo uu madaxweynaha soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu qoraalka ku yiri “Koobkiina waad keenteen. Waa inoo dabbaal degga idinka Ilaahey.”

Xulka Galmudug ayaa shalay galab guul ka gaaray dhiggiisa HirShabelle ciyaar la’isla gaaray gool kullaad, taas oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 kun oo taageerayaal kala sitay calamada labada xul ee wada ciyaarayey finalka tartanka.

Si kastaba, guusha Galmudug ayaa noqoneysa markii ugu horreysay ee ay qaado koobka ciyaaraha maamullada dalka, oo sanadkaan ay ka maqnaayeen Puntland iyo SSC-Khaatumo, halka Koonfur Galbeed ay caro uga baxday tartanka.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo War kasoo Saaray Guushii Xulka Ciyaaraha Galmudug
Next articleHorjooge Sare oo ajnabi ah oo loogu dilay Mudug iyo Dalka uu kasoo jeedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here