Home Wararka Maanta Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Marwo Catriona...

Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Marwo Catriona Laing(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta ee degaannada laga xoreeyey argagixisada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ergayga kala hadlay sidii addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa gabood-fallada argagixisada iyo xaaladaha bini’aaddannimo ee adag.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Maxaxweyanaha ayaa sheegay in ololaha lagu ciribtirayo argagixisada uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga sifeeyo degaanada ay wali ku harsanyihiin.

Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay cirib-tirka argagixisada.

Sidoo kale Marwo Catriona waxa ayna tilmaamtay in joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaaliya.

Ad
Previous articleFeeryahan Muslim ah oo diiday inuu tababaro ninka ugu taajirsan adduunka
Next articleAlshabaab oo Si tarabtarab ah bilaabay inay Isku soo Dhiibaan(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here