Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maantay Xariga Ka Jaraaya Madaxtooyada Cusub ee Galmudug...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maantay Xariga Ka Jaraaya Madaxtooyada Cusub ee Galmudug oo si Cajiob ah loo Dhisay(Sawiro)

0

Waxaa la soo gebagebeeyey dhismaha xarunta cusub ee Madaxtooyada Galmudug oo ku taalla magaalada Dhuusamareeb.

Dhismaha oo ka kooban qeybo kala duwan oo u badan xafiisyo, Hoolala shirarka iyo hoyga Madaxweynaha ayaa waxaa ku baxay malaayiin dollar sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Gamudug.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud oo ku sugan caawa magaalada Dhuusamareeb, uuna wehliyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa la filayaa iney beri xariga ka jaraan xaruntaas.

Madaxweynaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirada oo haatan degan xaruntii ay Dhuusamareeb ku lahaayeen kooxdii ahlu suna waljameeca ayaa la filayaa iney beri wixii ka dambeeya u guuraan madaxtooyada cusub.

Ad
Previous articleKoobka Aduunka oo markii ugu horeysay lagu furayo Quraanka Kariimka (Sawirro)
Next articleDibed baxayaal careysan oo dab qabadsiiyey hoyga aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Aayatullah Ruhollah Khumeyni.(Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here