Home Wararka Maanta Cali Dheere oo tababar u xiray boqolaal ka tirsan Al-shabaab(Sawiro)

Cali Dheere oo tababar u xiray boqolaal ka tirsan Al-shabaab(Sawiro)

0

Al-Shabaab ayaa tababar u soo xirtay boqolaal dagaalayahan oo ka tirsanaa kooxda xili  ay wajaheyso dagaalkii ugu adkaa ee kooxdu la kulantay sanadahan dambe kaasoo looga saaray degaano ka tirsan bartamaha Somalia

Muuqaal baahiyaha “Kataa’ib” oo qeybta Al-shabaab u qaabilsan warbaahinta ayaa baahiyey muuqaal la daawan karo 50 daqiiqo oo lagu soo bandhigay ciidamo Al-Shabaab oo soo dhameystay tababar military oo ka socda xero lagu magacaabo Ribci Ibnu Caamir oo aan la sheegin halka ay ku taallo

Muuqaalka ayaa lagu daahfurayaa dhoolatus ay soo bandhigayaan ciidamada Al-Shabaab, kadibna waxaa ciidanka khudbad u jeedinaya afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere, kaasoo ciidanka u sheegaya inay fulin doonaan weeraro la mid ah midkii Buula-Mareer.

Ciidankan ayaa isugu jira askar iyo rag loogu talo galay iney isqarxiyaan kuna qalabeysan hub iyo gaadiid dagaal.

Ad
Previous articleSida looga ciiday Suudaan oo ay dagaallo qaraar ka socdaan iyo maxabiis lasii daayay
Next articleGolaha Ammaanka oo ansixiyey qorshe ATMIS looga saarayo Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here