Home Wararka Maanta Fahad Yaasiin oo Talooyin Cajiib ah usoo Jeediyay Madaxweyne Xasan Shiikh

Fahad Yaasiin oo Talooyin Cajiib ah usoo Jeediyay Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Mudane Madaxweyne,

Aqoonta aan kuu leeyahay, waxaan si buuxda u oran karaa inuu dhab kaa yahay dareenkaada iyo khudbadaha kala duwan ee aad jeedisay. Waxaan hubaa, inay run kaa tahay caadifaadaas. Marqaati ayaan u ahay, muddo xilaadkaadii koowaad in damac kasta laguu sheegay si aad tanaasul uga sameeyso qodobo taabanayey dhulka iyo badda Soomaaliya, maantana kalsooni taas lamid ah baan ku qabaa inaadan saxiixeynin wax taabanaya gobonnimada qaranka.

Mudane Madaxweyne,

Aqoonta kale ee aan kuu leeyahay waxay tahay inaad si saaid ah gaabis u tahay, go’aannadaadu jilicsan yihiin, culayska khudbadahaaga iyo cagajiidka tallaabo qaadkagana isma lahan. Soomaalidu waxay ku maahmaadaa, dharbaaxo rag bey kugu dirtaa, ee kaama dhiciso.

Madaxweyne, hadallada aad ku khudbeysay, hadallo ka culus oo la oran lahaa majirto. Waxaad ku dhawaaqday kalmado dagaal oo duullaan hubaysan soo dadajin karay. Laakiin nasiib darro, diyaar garawgeedii kaama muuqdo.

Itoobiya waxaa u dhiman oo kaliya waa iney lugaha soo dhigto xeebaha Soomaaliya, oo ciidan iyo cudud keensato, intaan ogahayna gorshahaas waa u diyaarsanyahay, weyna ku dhaqaaqayaan, colkana ka hortag buu ku qurxanyahay.

Mudane Madadweyne,

Waxaan hawada kuu soo marinayaan tallaabooyinkan oo dhamaantood ka hortag ah.

1. Itoobiya si buuxda ugu jar xiriirka diblomaasi, sidaasna xiriirka ha u jarnado ilaa ay ka noqoneyso heshiiska aan dhaqangalka ahayn ee ay la gashay maamulka aan sharciga ahayn.

2. Ciidanka Itoobiya ee dalka jooga kuwooda ATMIS kamid ah iyo kuwooda aanan kamidka ahayn labaduba dalka ka saar, muddo ay dalka uga baxaanna u gabo. Haddii ay ka bixi waayaana, haloo aqoonsado, ciidamo gumaysi ku jooga dalka. Muddadaas loo qabtay iney dalka uga baxaan, waxaad raadsataa dalkii buuxin lahaa goobaha ay ka baxayaan, weyna jiraan wadamo diyaar u ah iney booskaas buuxiyaan.

3.Dowladda inay qaado olole diblomaasiyadeed oo dalalka Afrika kusoo wareega oo ka dhaadhicaya in Midowga Afrika xaruunteeda laga raro Addis Ababa, bacdamaa ay ku xadgudubtay xeerarakii u dagsanaa ururka.

4. In hawada Soomaaliya laga xidho duulimaadyada diyaaradaha laga leeyahay ama ka diiwaan gashan dalka Itoobiya.

5. Dalalka aan walaalaha nahay sida Turkiya, Ereteriya iyo Masar waxaad lasoo gashaa iskaashi difaac, waxaadna dalka ka sisaa saldhigyo milatari si ay qayb uga nogdaan amniga gobolka, amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Mudane Madaxweyne,

Waxaad isku hallaysaa rabigaa iyo umaddaada, waxaadna ogaataa awoodaha aad leedahay iney ku filanyihiin difaaca dalka. Si sahal ah, baad uga hortagi kartaa damaca gurracan ee Itoobiya, waase haddii aad isku tashato.

Marna ha moodin taagero iyo xoog dibadda kaaga imanaya inuu joojin karo damaca waalan ee Abiy Axmed. Dunidu, mar walba, waxay oran doontaa xaaladda hala dajiyo, xitaa marka ciidanka Itoobiya ay xeebaha Soomaaliya yimaadaan oo ay qabsadaan.

Mudane Madaxweyne,

Naxariista calamka ha sugin, hana ku tashan ee waxaad sacabadaada ka buuxsan kartid iyo kaararka culculus ee gacantaada ku jira isticmaal oo daafac iyo duulaan ka dhigo.

Mudane Madaxweyne,

Marka gobonnimada dalka lagu soo xad gudbo waxaa qarsoomaya muxaafid iyo mucaarad. Sidaas awgeed, waxaan diyaar u nahay inaan ku garab galno, cadawga dalkana aad tusto dadkaaga oo midaysan. Waxaase khasab ah in la arko hogaamintaada oo leh karti ay ku uruuriso awoodaha kala duwan ee ku dhex duugan dadka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleIn hawadeeda ay ka celiso diyaarad ay Itoobiya leedahay, Soomaaliya waxay direysaa farriin xooggan oo ah in Somaliland aysan ahayn dal madax bannaan.
Next articleDowlada Imaaraadka oo Cadaysay Mowqifkeeda Murqnka Soomaaliya Iyo Itoobiya ee Biyaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here